Xog: Lacagtii doorashada Somalia ee 2016 oo arrin culus loo hakiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ay si KMG ah u hakinayaan dhaqaale dhawaan loo qoondeeyay in dowlada Somalia ay u adeegsato doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Sababta loo hakinaayo bixinta dhaqaalahaasi ayaa la sheegay inay tahay u kuurgalida asbaabaha dhaliyay in Bangiga Dhexe ee Somalia lagala baxo dhaqaale dhan $530,000, xili ay DFS isku diyaarineyso doorasho.

Dhaqaalaha sida KMG ah looga xanibaayo Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa la sheegay in dib loo fasixi doono Asbuucyo un ka hor inta aysan dhicin doorashada.

Dowladaha garabka dhaqaale iyo mida diblumaasiyeedba siiya Dowlada Somalia, ayaa dhawaan Dowlada Somalia u ballanqaaday inay ka qeybqaadan doonaan doorashada Somalia, iyaga oo Dowlada ka saacidi doona dhanka dhaqaalaha iyo hanaanka doorasho.

Dhawaan ayey aheyd goortii Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu shaaca ka qaaday in dhaqaalaha looga gudbi doono doorashada Somalia ay la kaashan doonaan Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com