Xog: Doorasha Somalia ee 2016 oo dib u dhac wajaheysa, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa cabsi laga qabaa in dib u dhac uu ku imaado doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, ka gadaal markii ay DFS ka gaabisay hirgalinta dhammaan talaabooyinkii suuragalin lahaa in la qabto doorasho.

Dib u dhaca doorashada ayaa si wada jir ah u saameyn doonta doorashada aqallada baarlamaanka iyo tan hoggaanka dalka ee Somalia ee loogu talagalay bilaha August iyo September ee sannadkan.

Waxyaabaha shakiga dhalinaaya ayaa waxaa kamid ah sida wax ka beddelaadda dastuurka, guddiyada doorashada, soo xulista ergooyinka iyo muranka ka taagan maqaamka Muqdisho.

Dib u dhaca la saadaalinaayo ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in Madaxtooyada Somalia oo aan u guda galin howlaha doorasho, waxaana wali hakat ku jira ololaha doorasho oo xiligaani socon jiray.

Madaxweynaha dalka ayaa isna ku mashquulsan safaro aan dhamaan xili magaalada Muqdisho laga hadal hayo in Xassan Sheekh uusan diyaar u aheyn in Somalia ay ka dhacdo doorasho.

Dhammaan talaabooyinkaani shakiga dhaliyay ayaa xaqiiqdooda soo ifbixi doona natiijada kasoo bixi doonta shirka Madaxda madasha qaran uga furmi doona toddobaadka dambe magaalada Baydhaba, si ay arrimaha uga hadlaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com