Xog: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan mid ka mid ah maamul goboleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu booqasho ku tego magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey booqashada madaxweynaha ee Puntland, waxaana haatan Garoowe laga dareemayaa qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu wado inay gaaraan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi u hordhac u ah madaxweynaha, gaar ahaan xubno ka socda xafiiskiisa ay maanta gaari doonaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, si ay qayb uga noqdaan soo dhoweynta madaxweynaha oo berri safar ku tegaya Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadallo la yeelan doono madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaga oo ka wada hadli doono wada shaqeynta labada labada dhinac iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa waxaa soo galay mugdi, kadib soo dhisidii xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare, taas oo loo badinayo inay salka ku heyso booqashada madaxweynaha, si xal loogu helo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe.

Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqonayo kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Si kastaba, booqashada madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadeyso xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka jiraan daruufo amni iyo xaalado nololeed oo ay sababeen abaaraha.