Xog: Maxaa kusoo kordhay baaritaanka kiiska dilka guddoomiyihii D/Hodan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddi uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalaka Sida Cabdllaahi Buula-kameey u saartay baaritaanka kiiska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun iyadoo ay soo baxayaan warar hordhac oo arintaan ku saabsan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kiiskaan uu gaba-gaba marayo islamarkaana ay u badan tahay in la sii daayo taliyaasha Saldhigyada Howl-wadaag iyo Waabari, balse laga qaadi doono xilalkaas islamarkaana ay suurtagal tahay in ay darajooyinkooda ku waayaan amarka ay bixiyeen.

Warar kale ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay rabto in diyo laga dhiibo dilka guddoomiyaha kadib markii xogta baaritaanka lagu sheegay in falkaas uu udhacay si aan kutalagal aheyn oo la raadinayay gaari qaad waday. 

Sida ay noo sheegeen xubno kiiskaan xog ogaal ka ah Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa ehelada qaar kula taliyay in arrintaan kawada hadlaan ka hor Maxkamada maadaama uu ahaa shil dhacay oo aan ku talagal loo toogan guddoomiyaha sida ay ku heleen baaritaan ay sheegeen in ay sameeyeen guddiga. 

Ugu yaraan 7 askari iyo laba taliye ciidan ayaa kiiskaan u xiran, waxaana wali gacanta dowladda ka maqan hal askari oo falkaan qeyb ku lahaa.Â