Xog: Maxay tahay caqabada ka dhalatay wadahadalkii Galmudug iyo Ahlu sunna ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gabo gabo maraya waqtigii loo qorsheeyay in la qabtaa wahadalka u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo madaxda maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Wadahadalkaasi wuxuu qorshaha ahaa in 10-ilaa 25-ka bishaan uu ka socdo magaalada Mudqisho, kadibna ka hor 30-ka April xal buuxa laga gaaro wadahadalkaasi kadibna ay dhacdaa doorashada madaxweynaha Galmudug.

Waxaa meesha ka baxay wadahadalkaasi oo waxaa sharuudo badan soo bandhigay maamulka Ahlu sunna ee ka qeyb galaya shirkaasi oo doonaya xilal sare oo ay ka helaan Galmudug iyo dowlada dhexe.

Qodobada ugu adag ee ay soo bandhigeen Ahlu sunna waxaa kamid ahaa inay doonayaan inaan lagula tartamin doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug iyo in doorashada ay ka dhacdaa magaalada Dhuusomareeb.

Qodobada kale ee shirka caqabada ku noqday waxaa kamid ahaa in Ahlu sunna ay heshaa dhaqaalahii kaga baxay maamulka gobolada dhexe iyo inay xilal kale oo safiiro u badan ka helaan dowladda Soomaaliya.

Arimahaasi ayaa noqday kuwo ay ka suuro gali waayeen furitaanka shirka waxaana maanta ku eg waqtigii loo balansanaa in go’aano wadajir ah laga soo saaraa shirka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu sunna.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneyso in shirkaasi laga furaa magaalada Muqdisho, iyadoo baarlamaanka Galmudug diidan yihiin waqti kale oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com