Xog: Maxkamada Hague oo lagu wareejiyay dukumiinti cusub oo la xiriira kiiska badda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Maxkamada Hague loo gudbiyay warqado ay ku saxiixan yihiin Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye.

Warqadaani ayaa la sheegay inay gudbisay Dowlada Kenya taasi oo lagu qeexay in Xassan Sheekh iyo Hadliye ay sii dhameystireen Heshiiskii qabyada ahaa ee Badda Somalia, balse ay iminka ku dhiiranayaan inay dib ula soo laabtaan Badda.

Xogtaani oo uu nala wadaagay mas’uul ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijiyay in Xafiiska Xassan Sheekh ay soo gaartay warqad ka socota Maxkamada Hague oo lagu xaqiijinaayo Heshiiska qeexaaya in labadaasi mas’uul ay dhameystireen qorshaha lagu iibinaayay Badda Somalia.

Warqadaha loo soo gudbiyay Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh ee ka socda dhanka Maxkamada Hague ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay u dhexeeyaan 9-14 kuwaasi oo ay la socdaan cadeymaha muujinaaya in Xassan Sheekh iyo Wasiir Hadliye saxiixeen.

Warqadaha codsiga ah ee imaaday dhanka Maxkamada ayaa la sheegay in Xassan Sheekh uu kusoo kala cadeeyo muddo laba Asbuuc ah inay yihiin wax jira iyo in kale.

Warqadahaani ayaa waxaa si qarsoodi ah Maxkamada ugu gudbiyay Xeer ilaaliyaha Dalka Kenya kaasi oo dukumiintiga ku dulqoray xaqiiqda Badda Somalia.

Ma cadda waxa kiiskaani uu u dhibi doono kan horyaal Maxkamada Hague, waxaana fooda nagu soo heysa xiliga lagu ballansanaa qaadista dacwada Kiiskaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com