Xog: Mooshinley oo wada mooshin ka dhan ah R/W C/Weli (Maxay rabaan?)

Muqdisho (Caasimada Online0 – Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxay ku hawlan yihiin olole iyo mooshin ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Dastuurka, ayaa waxa uu qabaa in Wasiirka 1-aad ee Xukuumada mooshin laga keeni karo, marka ay Xukuumadiisu jirsato ugu yaraan muddo 6 bilood ah, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay mooshinkaan ku saleynayaan inay fashilmatay Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah oo ay ku yeelanayaan Xildhibaanada, iyadoo ay ku qorsheynayaan nooca uu noqon doono mooshinka ay ka gudbinayaan Ra’iisal Wasaaraha.

Sarkaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegay in Xafiiska Madaxweynaha Somaliya uu isha ku haayo, mooshinka la hadalhaayo in Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ka soo gudbinayaan Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sarkaalkaan, ayaa wuxuu ku waramayaa in culeyskii Xildhibaanada Baarlamaanku ku hayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ay u weeciyeen dhinaca Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Somaliya.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa toddobaadkii tahay isu soo dhowaansho iyo isfaham ka gaaray isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirada, mana cadda iminka waxa mooshinkan keenayiyo kaalinta uu Xasan Sheekh ku lee yahay.

Mooshinkaan, ayaa waxaa dhabarka ka riixaaya Xildhibaano lagu sheegay inay isugu jiraan xoolo doon iyo xil raadis, waxayna Xildhibaanadaan qaarkood miisaan weyn ku lee yihiin Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka.

Inkastoo aysan kala cadayn in tani ay ka dambeyso khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay hadana xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha Somaliya ee ku jira Golaha Wasiirada, ka soo horjeedaan in shaqada laga eryo Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com