[Xog] Muhimadda Geeska Afrika iyo Garaadyarida Hogaamiyayaasha Somaliya. Maxaadan ogeyn oo ka socda Imaaraadka Carabta?

(Caasimada Online. Dubai) Waxaa magaalada Dubai ee isutagga imaaraadka carabta ku soo qulqulaya madaxda dowlad goboleedyada JFS, iyadoo halkaan looga tashanayo doorashada lagu wado in aay Soomaaliya ka dhacdo bisha November 30 ee sanadkan 2016.

Ujeedka aay u imanayaan madaxdan ayaa ah, iyagoo wada tashiyo la yeelanaya dowladda Imaaraadka Carabta oo olole weyn ugu jirta sidii guddoomiyaha baarlabaanka JFS uu u noqon lahaa shaqsi ka soo jeeda Somaliland, si aay u helaan sharciyad buuxda oo aay kula wareegaan dekedda iyo garoonka magaalada Berbera.

Axmed Madoobe ayaa olole weyn ugu jira in CCC uu noqdo madaxweynaha JFS si uu u helo kuna xalaaleysto boobka uu ku haysto Jubbooyinka. Qaar ka mid ah ganacsatada beesha Sade ee deggan dalka Imaaraadka ayaa iyagana wacad ku maray in aanu Axmed Madoobe kasii talin doonin Jubbooyinka kaddib markii uu cunuqabateeyay ganacsigooda iyo alaabihii aay ka dhoofin jireen dekedda Kismaayo.

Dhanka kale, Shariif Xasan oo isagana taageero ka raadinaya Imaaraadka si uu u noqdo Madaxweynaha sanadka 2016, ayaa waxaa la kulmayaa niyad jab badan, waayo cidna ma aaminsano in Shariif Xasan uu madaxweyne ka noqon doono Soomaaliya. Waxaa mugdi uu sii galayaa rajada siyaasadeed ee beesha Digil & Mirifle oo labaatankii sano ee ugu danbeeyay ku fadhiyay kursiga guddoomiyaha Baarlabaanka.

Waxaa la filayaa in ay maanta ama berri soo gaaraan dalka Imaaraadka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiwali Gaas. Labadan masuul ayaa waxaa uu hadda ka dhexeeyaa dagaal sokeeya. Cabdikariin uu xulufo la ah Shariif Xasan iyo Cabdiwali Gaas oo uu rabo Axmed Madoobe in uu taageero in CCC musharaxnimadiisa. Cabdiwali Gaas ayaanan marnaba taageeri doonin CCC oo kala dhexeyso xurguf siyaasadeed.

Axmed Madoobe ayaa docda kale raba in uu dhexdhexaadiyo Cabdikariin iyo Gaas, isagoo markaa ujeedkiisa uu yahay in haddii dagaalka Gaalkacyo uu sii socdo aanay beesha Daarood marnaba heleyn kursiga Madaxweyne ee sanadkan 2016.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in Dowladda Imaaraadka oo kaashaneysa dowladda Itoobiya in aay ka go’antahay in kursiga 2016 laga ilaaliyo shaqsi wax u dhimi kara hamigooda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Imaaradka iyo Itoobiya ayaanan marnaba raalli ka noqoneyn in Soomaaliya aay ka dhalato xasilooni siyaasadeed waayo labadaba waxaa aay u arkaan Soomaaliya oo deggen qatar dhinaca Dhaqaalaha Imaaraadka iyo nabadgelyada Itoobiya.

Dowladda Mareykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaa ku jahwareersan siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Mareykanka oo welwel weyn ka qabta Shiinaha oo saldhig milatery ka sameystay Jabuuti, iyo Shiinaha oo hadda wada dhismaha saldhigyo milateri uu ka dhisanayo Koofurta Badda Shiinaha (South China Sea) taasoo welwel weyn ku haysa dalka Mareykanka. Shiinaha ayaa raba in uu isaga koontaroolo marinada ugu muhiimsan ee aay maraan maraakiibta shidaalka iyo kuwa ganacsiga, waayo dhaqaalaha ugu badan ee Shiinaha ayaa ku xiran dhoofinta badeecada loo iib geeyo adduunka, halka uu Shiinaha uu ka yahay waddanka labaad adduunka ee ugu isticmaalka badan saliida.

Shiinaha ayaa ka feejigan in Mareykanka uu ku sameeyo cunuqabateyntii dadbaneyd ee uu ku sameeyay Ruushka oo ahaa wadanka ugu badan ee dhoofiya shidaalka, kaddib markii uu Mareykanka bilaabay in uu la soo baxo shidaalkii keydka u ahaa taasii keentay in hoos u dhac dhaqaale oo weyn uu uga yimid wadamada OPEC ee dhoofiya shidaalka, haba ugu sii darnaadeen Ruushka iyo Sacuudiga. Waa middan mida keentay in Ruushka uu soo farageliyo dagaalka Syria ee lagula jiro Daacish. Balse arrintan ayaa ka weyn ladagaalanka ISIS. Dhaqaalaha Ruushka oo ku xirnaa dhoofinta shidaalka ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac weyn oo lagu qiyaasay in lumiyay $60 Bilyan oo dollar sanadkii 2015 kaliya. Waxaa kale oo iyana arrintan sii hurisay afgambigii dhicisoobay ee lagu sameeyay madaxweyne Ardogan, taasoo keentay in Ruushka aay isku soo dhawaadaan xulufana noqdaan Turkiga oo saaxib dhow la ahaa dalka Mareykanka.

Dhinaca kale Gacanka cadmeed ayaa ah goob istraatijiyo u ah dowladaha Shiinaha, reer galbeedka iyo Mareykanka, waayo waa marinka kaliya ee aay marto saliida ceyriin, iyo badeecada isaga gudubta Bariga iyo Galbeedka.

Dowladda Mareykanka ayaanan kalsooni buuxda ku qabin ballanqaadka uu Imaaraadka siiyay ee ah in aay heli karaan dekedda & garoonka Berbera, maadaama aanay Somaliland sharciyad u haysan bixinta labadaas goobood oo muhiimka ah.

1

Waa ayaan darro weyn in madaxda u tartameysa kursiga Madaxweyne ee JFS aanay fahamsaneyn sida loo ciyaaro shaxda siyaasadeed, isla markaana aanay aqoon u lahayn sida aay muhiim ugu yihiin in aay ku gorgortamaan istraatijiyada siyaasadeed ee reer galbeedka iyo Shiinaha ka dhexeysa.

Dalka Shiinaha ayaa dhawaan waxaa uu dowladda Mareykanka kala wareegay Seddex saaxiib oo muhiim u ahaa Mareykanka kuwaasoo kala ah. Pakistan, Jabuuti iyo Filibiin.

Waxaa iyana socda is xulufeysi siyaasadeed oo dhex maray wadamada Ruushka, Iiraan, Shiinaha, Turkiga iyo Brazil. Tan oo caqabad weyn ku noqoneysa siyaasadda, dhaqaalaha dalalka NATO gaar ahaan Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com