XOG musuqmaasuq oo gil-gili doonto dowlada

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya, Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in dhawaan guddiga gaarka ah ee la socodka Musuqmaasuqa Somalia ay soo saari doonaan documenty muujinaya khaladaadka dhaqaale iyo wasaaarado lagu helay masuq maasuq lagu helay.

Dr. Nuur Jimcaale oo wareysi uu siiyay Reuters wuxuu ku sheegay in baaris ay ku sameeyeen 25- wasaaradood ee xukuumadda ayna soo bandhigi doonaan natiijada kasoo baxday baaritaankooda, bisha danbe marka uu furmo kalfadhiga baarlamaanka.

Dr. Nuur Jimcaale oo ku sugan magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya ayaa hadalkiisa intaas ku daray inay toddoba wasaaradood oo ka mid ah kuwa xukuumadda lagu helay wax is-daba-marin dhaqaale.

“Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa kalsooni buuxda ii siiyay inaan baaris ku sameyn karo cid walba oo musuqmaasuq looga shakisan yahay,” ayuu ku yiri Hanti-dhowrka guud ee Qaranka wareysigiisa Reuters.

Waddamada deeqaha siiyaha Somalia ayaa horay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu wax ka qabto musuqmaasuqa kusii baahaya dalka; taasoo ay sheegeen inay qayb weyn ka qaadan karto in la dhiso dowlad shaqeynaysa.

Hanti-dhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu rajeynayo in dalalka deeqaha bixiya ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Somalia, isla markaana arimahan la xiriira laaluushka aysan wax saameyn ah ku yeelan taageeradooda.

Dubalamaasiyiin caalami ah ayaa sheegay in kalsoonida lagu qabo dowladda uu horkacayo Xasan Sheekh uu dhaawac culus gaaray markii lasoo saaray war-bixintii sannadkii 2013-kii ee ku saabsanaa lunsiga hantidii Soomaaliya ay lahayd ee ku xayirnayd dalka dibaddiisa tan iyo sannadkii 1991-kii. Laakiin madaxweyne Xasan ayaa iska fogeeyay inuu eedeyntaas ku lug leeyahay.

Warbixinta la filayo in dhawaan lasoo bandhigo ee ku saabsan khaladaadyada dhaqaale ee wasaaradaha dowladda Somalia ayaa baaritaankeeda waxaa lasoo billaabatay 2014-kii; yadoo tani ay noqonayso cadaadiskii ugu cuslaa ee soo food-saara xukuumadihii Somalia soo maray 24-sano ee lasoo dhaafay.

Xukuumadda Somalia ayaa miisaaniyadda ay ku shaqeynayso sannadkan 2015-ka waxay gaaraysaa 216-milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo sidoo kalena la rajeynayo in dalka uu deeq ahaan ku helo illaa hal bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com