Xog: Natiijo horudhac ah oo ka soo baxday doorashada Somaliland (Yaa horreeya?)

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Somaliland ayaa weli ku howlan tirinta codadka doorashada madaxweynaha, waxaana soo baxaya natiijo horudhac ah oo laga helay qaar ka mid ah xubnaha guddigaas, balse weli aan ahayn mid rasmi ah.

Codadka la tiriyey ayaa waxaa illaa hadda ku horreeya musharaxa xisbiga talada haye ee Kulmiye ee Muuse Biixi, hase yeeshee waxaa weli harsan codadka aan la tirin taas oo macnaheedu yahay in cidda madaxweynaha noqoneysa aan weli la hubin, maadaama codadka harsan la ogeyn cidda ku badan.

Natiijada illaa iyo hadda la helay ayaa waxaa loogu kala horeeya sida soo socota, waana ku dhowaad 80% codadka guud ee doorashada Somaliland.

Saaxil= Kulmiye 30348, Wadani 15639

Sanaag=Kulmiye 17077, Wadani 19863

Sool = Kulmiye 19654, Wadani 14633

Togdheer=56756 Kulmiye, 56554 Wadani

Awdal= 35002 Kulmiye, 38079 Wadani

Maroodi jeex= 125330 Kulmiye, 61039 wadani

Xogtaan ayaa wax iska badali karaan balse tirintaan ayaa ka tarjumeysa in Muuse Biixi uu rajo fiican leeyahay.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa goor sii horeysay sheegey in natiijada kama dameysta ah lagu dhawaaqi doono maalinta Khamiista iyadoo inta ka horeysa hubinaya cabashooyinka xisbiyada soo gudbinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com