Xog: Ninkii ka dambeeyay dilka kaaliyaashii iyo askartii Guudlaawe oo lasoo qabtay

Jowhar (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan booliska HirShabeelle iyo xafiiska Madaxweynaha HirShabeelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in lasoo qabtay nin ay ku tilmaameen dilaa shiish badan oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Macawiisleyda ee soo wareeray Jowhar. 

Xubnanaha aan la hadalnay ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidamadii amniga ee xafiiska Madaxweynaha dhaawaceen ninkaan oo kahor inta aan la dhaawicin dilay Cali Godad iyo laba kamid ah ilaaladii Madaxweynaha, sidoo kalane dhaawacay Ciise oo ahaa kaaliyaha Madaxweynaha. 

Wararka waxay sheegayaan in ninka la soo qabtay uu qabo dhaawac kadibna uu awoodi waayay in uu cararo, waxaana hadda lagu dabiibaya Isbitaal ay ka war qabaan masuuliyiinta HirShabeelle. 

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa la sheegay in uu amray in aan la taaban ninkaas oo ay ku sheegeen dilaa, islamarkaana wixii dhacay lagu dhameyn doono gogal nabadeed. 

Kooxdii Macawiisleyda aheyd ee soo wareertay Jowhar ayaa la sheegay in ka hor inta aysan soo wareerin in ay soo direen farrimo digniin ah islamarkaana aan la muujinin wax taxadar ah. 

Dagaalkii dabaayaqadii hore ka dhacay ee ciidamada HirShabeelle iyo macawiisleyda ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof oo labada dhinac ah iyo dad kale oo shacab ah, wuxuuna ka dhashay sida la sheegay saraakiil ka tirsan macawiisleyda oo la xiray.