Xog: Puntland oo jaajuusiin u dirtay GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu qorsheeyay in Deegaanada Maamulka Galmudug ay geeyaan Sirdoon dharcad ah.

Qorshahaani ayaa waxaa gudaha asbuucii tagay lagu degay Madaxtooyada Puntland si Puntland ay xogo uga hesho Maamulka Galmudug oo ay kala dhexeyso Colaad ka dhalatay dhismaha Maamulkaasi.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in tirada dhalinyarada loo qorsheeyay in la geeyo deegaanada Galmudug ay gaarayaan ilaa 60 kuwaasi oo la doonaayo inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Ciidan oo ay wado Galmudug iyo in Maamulka Puntland ay hesho macluumaad ay kaga hortagi karto dhaqdhaqaaqaasi.

Xadka kala beyra Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa iminka ku sugan Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo laga cabsi qabo inay gacanta isla galaan wakhtiyada soo socda.

Maamulka Galmudug ayaa ku mashquulsan dhismaha Maamulka, halka Puntland ay iyana ku mashquulsan tahay hagar daameynta Maamulka dhawaan dhidibada loo aasay ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne C/kariin Gulleed.

Geesta kale, waxaa la aaminsan yahay in colaada labada maamul ay sara kacday wixii ka danbeeyay shirka wadatashiga ee asbuucii tagay kusoo idlaaday Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com