Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo billaabay qorshe ‘uu mudo kororsi ku sameysanayo’

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa bilaabay qorshe uu muddo kororsi hal sano ah ku sameysanayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug ku cadaadinaya inay qabtaan mooshin ay ka diyaariyeen qaar kamid ah xildhibaanad maamulkaasi, si wax ka badal loogu sameeyo Dastuurka maamulkaas.

Qoor-Qoor iyo Xildhibaanada ku dhow ayaa doonaya in meesha laga saaro qoddobka dhigaya in muddo xileedka Galmudug uu yahay Afar sanno, islamarkaana qoddobkaas lagu badalo in muddada xil haynta ay noqoto Shan sanno.

Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa la filaya inay yeeshaan kulan gaar ah, si ay uga doodaan wax ka badalka la rabo in loogu sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddo hal sanno ah.

Sida la fahamsan yahay Qoor-Qoor ayaa qorshahaan kaga dayanaya maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, oo ayaga dhankooda sameystay muddo kordhin hal sanno ah kadib markii ay wax ka badal ku sameeyeen Dastuurkii u dagsana maamuladaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inaysan ku qanacsaneyn muddo kordhinta ay sameysteen madaxda dowlad-goboleedyada, waxaana indhaha lagu haya sida ay dowladda u wajahi doonto arrintaan.