XOG: Qorshaha safarka GEN. DIINI ee CADAADO

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa maalintii shalay magaalada Cadaado tagay wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, kaasi oo ka tagay magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa si diiran magaalada ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan gudiga farsamada maamul u sameynta iyo xubnaha dowlada Soomaaliya kaga sugan magaalada Cadaado.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in ujeedada wafdiga ee magaalada Cadaado tahay sidii loo qancin lahaa xubnaha Beesha Sade ee ku sugan magaalada.

Waxaa jiro in qaar kamid ah waxgaradka iyo ergada Beesha Cadaado aysan ku qanacsaneyn sida loo qeybsaday ergooyinka soo dhisaya maamulka gobolada dhexe.

Qaar kamid ah waxgaradka Beesha ayaa inoo sheegay in ujeedada safarka C/qaadir Sheikh Cali Diini ay tahay sidii  uu u dhameyn lahaa diidmada Beesha Sade ay diidan yihiin qaabka ergooyinka loo qeybsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduu
Caasimada@live.com