Xog: R/W Rooble oo u yeeray Cosoble kadib qoraal uu ku soo qoray Facebook

Muqdisho (Caasimad Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa qaabilay Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan bartiisa Facebook ku soo qoray cabasho ah, in lacag lagu xiray balan loo qabto isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Rooble uu u yeeray Cali Cabdullaahi Cosoble, islamarkaana uu ka wareestay cabashadiisa ku aadan in loo diiday la kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo qorshaha uu ka lahaa kulankaas haddii uu dhaco.

Wararka aan helnay ayaa sheegeysa in Cosoble uu ka raali geliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qoraalka facebook islamarkaana uu balan qaaday in aysan soo laaban doonin. Sidoo kale Cosoble ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in uusan weydiinin shaqsiyaadkii lacagta weydiistay balse guud ahaan shaqaalaha protocol-ka la siiyo wacyi gelin iyo tababar.

“Cosoble waxa uu damacsanaa in Ra’iisul Wasaaraha kala hadlo arrimaha HirShabelle iyo rabitaankiisa kamid noqoshada xukuumadda cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo waana la qaabilay, hada ma jirto wax dhibaato ah waana laga heshiiyay wixii dhacay,” ayuu yiri qof ka tirsan maamulka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale shaqsiyaad aad uga dhow Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa noo sheegay in qoraalkii lagu daabacay bartiisa Facebook uu sax ahaa islamarkaana aysan jirin cid jabsatay balse markii uu qoray kadib ay wadahadleen Rooble kadibna laga dalbaday inuu raali gelin bixiyo sidoo kalane loo qabtay balan deg deg ah.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku adkeysanaya in laga jabsaday Facebook inkastoo uu qirtay markii uu u tagay Ra’iisul Wasaaraha islamarkaana ka bixiyay raali gelin buuxda.