Xog Shariif Xasan oo niyad jab kii ugu weynaa abid ku riday Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kamid noqon doono Musharaxiinta la loolameysa Madxaweyne Xassan Sheekh.

Shariif Xasan ayaa iminka la sheegayaa inuu bilaabay la tashiyo uu isku soo sharaxaayo, si uu ugu nasiibsado xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Ilo ku dhow dhow Shariif ayaa inoo xaqiijiyay in inta badan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Koonfur Galbeed ay ku taageeren kamid noqoshadiisa Musharaxiinta.

Qorshaha Shariif Xassan u degsan ayaa ah in xilka Madaxweyninimo ee Koonfur Galbeed uu usii dhiibto walaalkii ahna Wasiirka caafimaadka xukuumada Somalia Maxamed Xaaji C/nuur ( Madeer).

Madeer, ayaa aqbalay in walaalkii Shariif Xasan uu usii hayo xilka, maadaama xilkii uu ka hayay Xukuumada Somalia uu yahay mid wakhtiga ka dhamaaday.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale iscasilaad ku cadaadiyay Agaasimaha Madaxtooyada maamulkiisa Mursal si uu u qabto Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka maamulka waxa uuna ujeedku ahaa in Shariif laga dhiso dhanka Xildhibaanada wax dooran doono.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa isna ah walaac ka dhashay Musharaxnimada Shariif Xassan.

Xassan Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa markii hore ku ballansanaa in la soo saaro Xassan Sheekh si uu mar kale u noqdo Madaxweynaha Somalia, isla markaana uu u fuliyo shuruudo horay ay u kala saxiixdeen.

Isa sharixitaanka Shariif Xasan ayaa urug ku noqoneysa Xassan Sheekh waxaana meesha ka bixi doona codadkii uu Koonfur Galbeed kaga tashanaayay Xassan Sheekh.

Docda kale, Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu kasoo laaban doono maalinta Arbacada ah, waxa uuna intaasi ku dadaalayaa sida uu Shariif uga dhaadhicin lahaa inuu ka tanaasulo musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com