Xog: Shirka JOWHAR oo laga dhex abaabulayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul Banaanbax looga soo horjeedo hor u socosho la’aanta shirka Jowhar.

Abaabulka Banaanbaxa ayaa waxaa wada Ergada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee dhawaan Heshiiska la galay Xassan Sheekh kuwaasi oo dhaliilsan horu socod la’aanta shirka Jowhar.

Ergada ayaa sheegay in maalinimadii shalay kuna beegneyd 25-ka April uu ku ekaa xiliga ay Wasaarada arrimaha Gudaha ballanqaaday in Ergada lagu Xareyn doono, hayeeshee taasi aysan wali dhicin.

Nabadoon Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah Odayaasha Shirka, ayaa sheegay in DFS ay qeyb ka tahay kuwa fashilinaaya shirka islamarkaana ay iyadu tahay mida isku qaseysa sharciyada shirka.

Waxa uu sheegay in loogu tallo galay in shirka uusan meeshiisa dhaafin sidaa aawgeedna ay go’aansadeen inay sameeyaan Banaanbax looga soo horjeedo shirka.

Dhanka kale, Shirkaan ka socda Jowhar ayaa waxaa Bishii Koowaad ee Sanadkaan Furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com