Xog: Shirkadihii shidaalka Soomaaliya daneynayey oo laga cabsi qabo inay ka laabtaan, 2 sabab dartood

London (Caasimada Online) – Qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay ku iibiso xirmooyin ka mid ah shidaalka lagu tuhmayo badda Soomaaliya, kadib shirkii shidaalka Soomaaliya ee London, ayaa waxaa hareeyey mugdi cusub.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya ay ka laba-labaynayaan inay maal-gelin buuxda ku sameystaan shidaalka Soomaaliya laba sabab dartood:-

1 – Waxay wel-wel xooggan ka qabaan xasiloonnida siyaasadeed ee dalka ka jirta. [Madaxda Soomaalida oo markii mid la beddelaba kan xiga uu go’aan cusub qaadan karo].

2 – Shirkadaha ayaa sidoo kale shaki ka qaba in heshiis kasta oo wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs), uu noqon karo mid sharciyan dhaqan-gala oo la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa illaa 11-ka July u qabatay dhammaan shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya inay codsigooda kusoo gudbistaan. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqata in shirkdaha ay dhab ka tahay rabitaankooda.

Si dowladda ay u dhiiri-geliso yabooha shirkadaha waxay hoos u dhigtay saamigeeda wax soo-saarka, oo ay ka dhigtay 54% illaa 66%.

Pedro Van Meurs, oo la-taliye u ahaa shirkii London ayaa sheegay in saamiga dowladda Soomaaliya ee ah 54% illaa 66% uu aad uga hooseeyo kan dalalka kale eee Afrika, sida Mozambique, Tanzania iyo Kenya.

Dhinaca kale, caqabadda kale ee taagan ayaa ah in baarlamanka Soomaaliya uusan weli ansixin sharciga shidaalka dalka, taasi oo ayada oo aan dhicin aysan dowladda saxiixin karin heshiis wax soo-saar wadaagis ah – Production-Sharing Agreements (PSAs).

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com