Xog: Somaliland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dadka koonfurta Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaqan gelisay tallaabo ka dhan ah dadka Soomaaliya kasoo safra ee yimaada deegaanadeeda, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Somaliland ayaa gebi ahaanba joojisay in dad ka yimaada Soomaaliya ama ka socda ay ka qeyb galaan siminaarada iyo kulamada muhiimka ah ee ka dhaca magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidaasi ku sheegtay waraaq qoraal ah oo ay u kala dirtay Hay’adaha kala duwan ee ka howl-gala Somaliland, midaasi oo gebi ahaanba laga qariyay warbaahinta.

Sidoo kale waxa waraaqdaasi la gaarsiiyey ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland, taasi oo looga mamnuucay in shirarka iyo siminaaradooda aysan soo xaadiri karin dad ka socda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumada ayaa waraaqdaasi gaarsiisay hay’adaha muddo ku siman labo bil ka hor, taasi oo ay hadda u muuqata mid si dhab ah uga dhaqan-gashay gudaha Somalialnd.

Somaliland ayaa tallaabo sharci ah ka qaadi doonta hadda kadib, hay’addaha qabanaya siminaarada ay ka qeybta yihiin dadka Soomaaliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa arrinkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu inta badan qaada tallaabooyin ay u aragto inay ku ilaalineyso qaranimadeeda, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan jamhuuriyada Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.