Xog: Taliska booliska Somalia oo isku rogay xigtada Jen. Xaamud iyo ilmaha uu waalidka u yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa waayadaan danbe dhexda ugu jiray fadeexad tii ugu xumeyd, taasoo ka dhalatay markii Taliyaha Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xaamud uu xafiisyada sare ee Booliska laga xukumayay ku koobay dad xigto hoosaad la ah iyo kuwo uu waalid u yahay.

Magacaabidii Jen. Maxamed Sheekh Xaamud ee loo magacaabay Taliska Booliska Soomaaliyeed waxaa la filayay inuu taliska booliska ku hoggaamin doono horumar ka tayo wanaagsan heerka uu joogay markii uu qabanayay xilka laakiin maanta heerkaasi uu ka hooseeyo.

Askariga Booliska wuxuu u taagan yahay astaan nabadeed, hadduusan arkin ama helin maamul caddaalad ku dhisneyn iyo madax aan nadiif aheyn, wadaniyada ku yar tahay waxaa meesha ka baxaya daacadnimada askariga, anshaxa iyo amniga oo la xakameyn waayo.
Maanta xafiisyada ugu muhiimsan ee taliska booliska Soomaaliyeed waa meel ay xukumaan qoys kaliya, laga bilaabo qasnaji, xisaabiyo ilaa biyatooniga dhulka dhaqa xafiisyadana nadiifiya.

Arinta mudan in lasoo bandhigo ayaa ah in howshii qaranka Soomaaliyeed lagu koobo qoys iyo xigto hoosaad, tan lala yaabay ayaa ah in meesha uu ka dhex muuqdo curudka uu dhalay Taliyaha Booliska oo dhinaca dhaqaalaha iyo maamulka qaabilsan.

Sidoo kale, Gabadha uu abtiga u yahay Jen. Xaamud ee lagu magacaabo Idil Cabdullaahi Xasan haysatana darajada Captain ayaa ah qofka kaliya ee ka faa’iideystay tababarada Taliska booliska Soomaaliyeed loogu deeqay si loo wada gaarsiiyo guud ahaan gobolada dalka iyo mashaariicda kale ee ay bixiso hay’addaha UN-ka ka tirsan ee taageera Booliska Soomaaliyeed, sida UNDP, UNPOL iyo UN Women.

Idil oo ah gabar qurba joog ah oo aan aqoon u laheyn howlaha Booliska iyo meel laga maro ayaa markii xilka Taliyaha Booliska loo magacaabay Abtigeed Jen. Maxamed Sh. Xaamud, waxay durbadiiba iyaduna heshay ama noqotay Captain ka tirsan Booliska, iyadoo isku magacowday Madaxa Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Caruurta ee Booliska Soomaaliya, balse xilkaasi iyo howlaha ay qaabilsan tahay aysan is laheyn.

Waa qofka kaliya ee ugu safarka badan, iyadoo bishiiba seddax ilaa afar jeer howlo shaqo iyo siminaaro caalami ah u aado dibada, waxaana barbar socda mashaariicda ugu badan ee Booliska uu helo, waana qofka kaliya ee gacanta ku hayso ilaha dhaqaalaha ee Booliska iyo xiriirada caalamiga.

La xisaabtan la’aanta iyo maamul xumida ku dhisan qaraabeysiga ayaa hoos u dhigay howlaha taliska booliska Soomaaliyeed,

Howlaha Siminaarada booliska loo qabto oo ay taageeraan hay’addo caalami ah iyo dowladdaha daneeya Soomaaliya, ayaa iyagana noqdeen kuwa murunada ugu badan ka dhashaan, sidii loogu talagalayna u dhicin, taasoo mas’uuliyadeeda loo saariyo Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo gabadha uu abtiga u yahay u dhiibtay mar walbana iyada ku safarto.

horumar la’aanta dalka Soomaaliya, ka jirta iyo nidaam la’aanta baahsan ee soo jiray weligeedba, laga bilaabo Madaxweyne ilaa Agaasime,inta ay ku kacayaan caddaalad daro, musuq maasuq iyo nin jacleysi, una sii dheer tahay dantii Qaranka oo ay ka hor mariyaan danahooda ma jiri doonto horumar dhinac walba oo dalka iyo dadka gaaraan, asaagoodna gaaraan.

Waxaa qoraaladeena danbe idiin kugu soo gudbineynaa Documentiyo caddeynaya maamul xumida iyo qaraabeysiga ka dhex jiro taliska Booliska Soomaaliyeed iyo qoraalo kale oo muhiim ah in xiligaan lasoo bandhigo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com