XOG:- Talyaaniga oo ka carreysan DFS iyo wafti looga yeeray ROMA, Sabab?

Roma (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya Jen. C/xakiin Saacid iyo wefdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin saraakiil qeybaha booliska ka tirsan ayaa gaaray magaalada Roma ee waddanka Talyaaniga.

Xubno wefdiga ka tirsan ayaa laga soo xigtay in ay Talyaaniga u yimaadeen casuumaad ay ka heleen taliska ciidamada booliska Talyaaniga, oo aan la dhacsaneyn hab dhaqanka ciidamada Soomaalida.

Waxaa labadda dhinac ay ka wada hadlayaan sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa qalabeynta ciidamada Karibiyeerka.
Gaanshaanle sare Cabdul Waaxid Xuseen oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida Torino, lana socday socdaalka wefdiga ayaa sheegay in ay sii lumeyso kalsoonida dowladda Talyaaniga ay ku qabtay booliska Soomaaliya, maadaama sannadihii u dambeeyey ay jireen dad lagu sheegay in ay yihiin askar iyo saraakii la doonayey in tababar dhanka ciidanka ah ay ku qaateen Talyaaniga oo qaab dhuumasho ah kaga baxay Talyaaniga, iyaga oo aan dhammeysan tababarkii ay u yimaadeen.

Sarkaalkan wuxuu kaloo uu sheegay in dowladda Talyaanigu qudheedu aysan daacad ka aheyn gargaarida ciidamada Soomaaliya, ayna u baahan tahay masúuliyiin si dhab ah arrintaasi kala hadla.

“Sannadkii hore dowladda Talyaaniga waxey ku deeqda in 4 qofood oo Soomaali ah ay geli karaan Akamadeeyada ciidamada Modena oo ah akadeemiyadda ugu caansan dalka Talyaaniga oo askarigii ka soo baxa uu meel sare ka gaarayo ciidamada. 4-tii qofood ee loo soo xulay iyaga oo aan billaabin ayeey isaga carareen Talyaaniga. saraakiisha sarsare Talyaaniga ee is lahaa tababara ciidamada Soomaaliya dhacdadaas foosha xun aad ayey u niyad jabisay” ayuu yiri Cabdul Waaxid.

Wuxuu intaa ku daray in dowladda Talyaaniga hadda ay madax ka tahay qorshaha tababarka lagu siinayo ciidamada Soomaaliya, oo halkii horay ay tababarka ugu soo qaadan jireen Uganda, hadda Soomaaliya ay ku qaataan, loona xilsaaray Talyaaniga.

Gaanshaanl sare C/Waaxid wuxuu ugu baaqay wefdiga Taliyaha in aysan la mid noqdon wefdiyadii hore ee Italia yimid, kaddibna taageeradii dowladda Talyaaniga u fidisay ummadda Soomaaliyeed siyaabo aan munaasib aheyn u isticmaalay.

Caasimada Online
Xafiiska Roma
Caasimada@live.com