Xog: Walaac cusub oo kasoo kordhay xaaladda ciidamada Somalia ee ku sugan Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dib u qarxay dagaalka Itoobiya ee Jabhadda Tigray iyo dowladda, waxaa si rasmi ah dagaalkaasi uga biiray ciidamo ka tirsn kuwa Eritrea oo taageeraya kuwa dowladda.

Colaada Itoobiya ka taagan ayaa waxaa horay loogu eedeeyay dowladda Eritrea inay ku dagaal gelisay ciidamo Soomaaliyeed oo dalkaasi tababar u joogayy. Hay’addaha xuquuqda aadanaha iyo dowladdo Mareykanka ayaa qiray in dagaaladaasi qeyb ka ahaayeen ciidamada Soomaaliya ee tababarka u jooga Asmara.

Hadda oo dagaalka dib u qarxay waxaa soo baxaaya walaac hor leh oo laga qabo in Eritrea furimaha dagaalka soo geliso ciidamada Soomaaliya ee Eritrea ku sugan, kuwaasi oo dowladda Xasan Sheekh aysan weli xal u helin inay dalka dib ugu soo celiso.

Waalidiin Soomaalyeed oo caruurtooda ka mid yihiin ciidamadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in ay walaac ka qabaan in mar kale caruurtooda la dagaal geliyo, iyagoo ka filayay dowladda cusub ee Xasan Sheekh inay ka dhabeyso balan qaadkii madaxweynaha ee ahaa in howsha koowaad uu qaban doono ay noqon doonto soo celinta askartaasi.

Ballankaasi ayaa u muuqday inuu ku ekaa booqashadii Xasan Sheekh uu ku tegay Eritrea iskuna soo sawiray ciidamadaasi, wixii markaasi ka danbeeyayna dib danbe aan loo maqlin warka ku saabsan ciidamadaasi iyo rajo farxad gelinaysa waalidiinta askartaasi.

Ilaa hadda Villa Somalia qorshe cad oo lagu soo celinayo askartaasi uma soo bandhigin shacabka, gaar ahaan waalidiinta welwelka ka qabo caruurtooda halka ay ku danbeyn doonaan.

Qaar ka mid ah waalidiinta askartaasi oo Caasimada Online ay la hadashay ayaa muujiyay rajo beel iyo in madaxweyne Xasan Sheekh ujeedadiisa aheyd awr ku kacsi iyo colaadin uu ku sameynayay dowladdii hore ee Farmaajo oo aan dib loo dooran.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in dowladda Asmara soo celinta askartaasi ay ku xertay dhaqaale malaayiin ah oo ku baxay tababarkooda, ilaa inta dowladda Soomaaliya ay ka bixineysana ay askartaasi gacanta ku sii heyn doonto dowladda Eritrea.

Baraha bulshada ee Villa Somalia lagu baahiyay muuqaallo lagu xayeysiinayay 100 maalmood ee Xasan Sheekh xilka hayay, waxaa qeyb ka ahaa waalidiinta askarta ee Eritrea ku sugan oo Xasan Sheekh ku ammaanaya baaqashadii uu askartaasi ugu tegay Eritrea, balse booqashadaas ma xigin wax qorshe cad ah oo lagu soo celinayo ciidanka.