Fashilka Madaxda Qaranka & u basaaska wadamada deriska

Muqdisho (Caasimada Onlne)-Inkastoo Madaxda Soomaalida lagu asteeyo kuwo iibsada dalkooda, ayaa waxaa haddana jira kuwo aan dhagartooda muuqan oo dalka u iibgeeya caalamka intiisa kale.

Kuwa ugu badan ee dalka ka iibsaday dowladaha deriska la ah Somalia ayaa ah kuwa ay xusheene Xildhibaanada u sacaba tumay madaxda iminka jirta iyo kuwii lasoo shaqeeyay dowladihii hore ee Somalia kasoo arimiyay inta aan ka aheyn dowladii dhacday ee uu liijaanka u hayay marxuum Maxamed Siyaad Barre oo isagu dagaal muuqda kula jiray Xabashida iyo kuwa gacalka mooda.

Kuwa iminka jira waxa ay magaca iyo kheyraadka dalka faraqa ugu shubeen dowladaha deriska la ah Somalia ee marka dhaqaale ahaan aad uga liita Somalia, waana kuwa hantiyay hantida uu Qaranka leeyahay.

Kuwa muuqda waxaa ka awood badan kuwa aan muuqan ee xogaha iyo macluumaadka dalka ka iibsha dalalda caalamka kuwaa oo ku xiran dowlado shisheeye waxa ayna aaminsan yihiin in baahida heysa aysan deynkarin haddii aysan gacmaha u hoorsan Reer galbeedka iyo dowladaha kaliita Somalia.

Intooda badan waxa ay ku calaameysan yihiin kuwo daciif ah oo magacooda gabay balse mooda inay ku jiraan kuwa dalka u halgamaaya waxa ayna yihiin kuwa ku faana inay la shaqeeyan reer galbeedka ama kuwa gumeysiga dadban ku haya Somalia ee Afrikada kale ah sida ethiopia, Kenya iyo Ugandha.

Mid waliba waxa uu ku riyaaqayaa in Hantida Qaranka iyo tan guud ahaaneyd uu u gudbiyo dowladahaasi aan kor kusoo xusnay waxaana xusid mudan in dhammaan kuwa talada dalka noo haya ay caalamka u yihiin Basaas dalkooda iibsanaaya waxaana tuseele kaga filan sida mid waliba uu kan kale ugu dacwadeynaayo dowladaha kale.

Looma kala harin iibinta dalka waxa ayna kasoo bilaabaneysaa Madaxweynaha dalka ugu sareeya ilaa kan ugu hooseeya, kuwa musharaxa madaxtinimo isku sheegay iskaba daaye xaalkooda.

Gabi ahaan waxa ay u xuubsiibanayaan misna u kala fakanayaan sida ay dabka u saari lahaayen kheyraadka yar ee ku haray dalka.

Kan dalka horay usoo iibsaday waxaa kasii nasiib daran kan ku fashilmay Siyaasada Somalia, ee iminka u hanqaltaagaya inuu muqdo musharax ama Siyaasi maqaamkiisu sareeyo.

Madaxda Soomaalida marka dib loo baaro howlaha ay gacanta kula jiraan waxa uu kusoo biya shubanayaa fashil iyo dulinimo waxa ayna 85% yihiin kuwo ku xiran dowladaha deriska la’ah Somalia hadana mid waliba ma oga kan kale oo waxaa lala cayaarayaa Siyaasad waana la kala qarinayaa si aysan isugu kadsoomin.

Shacabku waxa ay yihiin kuwo u sacaba tuma kan iyaga ku qabiilka ah, waayo ma oga hagardaamada u qarsoon, waxa ayna muddo kadib goobaha lagu shaaho la fadhiisanayaan dhaliil iyo dhaleeceen maadaama aysan xili hore aheyn kuwo xaalada dhabta ah la socda.

Waxaa jira kuwo kheyraadka badda iibsaday, kuwo kheyraadka badda u iibgeeyay caalamka, kuwo dadka siiya raashiin iyo dawo dhacday oo ay ka keeneen dalalka shacabkooda u diirnaxa iskana soo fogeeyay wasaqda iyo kuwo nolosha ku iibsaday Umadda Soomaaliyeed ee aan waxba kusoo kordhin noloshooda shaqsi ahaaneyd.

Muhiimada qoraalka ma aha inaan halkaani kusoo bandhigno magacyada shaqsiyaadka uu qoraalka khuseeyo, balse waxaa muhiim inoo ah inaan dulmarno kuwa ku hingoobay Siyaasada ee haddana aan khuusan.

Dhagartu kuma eka Siyaasiga Daciifka ah ee magaciisa gabay shisheeyahana mooday gacal ee waxaa qeyb ka ah Ganacsatada kuwooda xatooyada iyo dibindaabada la dultaagan shacabka ee dalka u iibkeenaya waxyaabaha lagu maareeyso nolol maalmeeda hadana wakhtigoodu dhacay, waxaana ku hoos lamaan kuwo dalka u iibkeena Hubka sida qarsoodiga ah loogu iibiyo dalka.

Dhaliisha qoraalka maaha mid ku eg keliya Siyaasiga daciifka ah ee magaciisa gabay balse waxa ay dusha ka mareysaa dhammaan inta xumaha u maleegeysa dalkooda oo ay koow ka yihiin Madaxda iminka aan talada u dhiibanay.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu qoraalka fariin u yahay kuwo dalka ku dul iibsaday Umaddii ku nooleyd ee iminka ku kala fardhisan daafaha caalamka kuwaasi oo dalkooda uga cararay dhagarta ay maleegayaan kuwa talada dalka ku hardamaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com