Xog-warran: 18-ka bisha May ee Somaliland iyo 11 fasiraad

Qoraalka bisha shanaad hadii Soomaali lagu fasiro waa ficil amar oo diidmo muujiya MAY ama MAYA

Tusaale: MAY=MAYA ama diidnay ma doonayo  iyo wixii la mid ah

Tirada sideed iyo toban 18, oo la kala qaadayna waa sidan:

Xaraf xisaabeedka Kow 1=  wuxu tilmaamaa  midnimo kali ama shay  aan la wehelin laakiin xarafka MAY hadii lagu daro wuxu noqonayaa diidmo midnimo tiro kow ka badan ama ka yar  0 ama 2

Tusaale : hadii  kow 1 lagu daro ficilka MAY ama MAYA wuxu noqon karaa midnimo ma rabo

Xarafka Sideed 8 wuxu ka joogaa sideedii gobol 1960-kii ay ka dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed

18= sideed iyo tobankii gobol ee 1991-kii dowladdu ku burburtay

BULSHADA SOMALILAND WAXAY KU HADAAQASAY 25-KII SANNO  EE LASOO DHAAFAY ERAYADDAN:

  1. MAY (maya) midnimo (NO UNITY)
  2. MAY(maya)  8-deedii gobol ee 1960-kii midoobay (NO eight REGIONS  IN 1960)
  3. MAY(maya) 18-kii gobol ee jiray 1991-kii  (NO EIGHTEEN  REGIONS IN 1991)
  4. MAY MUQDISHO OO DIB LOOLA MIDOOBO MAYA
  5. MAY MAR KALE OO AY SOOMAALIYI CALAN WADAAGTO MAYA
  6. MAY MAR KALE OO LANA KHIYAAMO MAYA
  7. MAY MAR KALE OO LANA XASUUQO MAYA
  8. MAY MAR KALE OO LANA MUQUUNIYO MAYA
  9. MAY MOORYAAN MAAMULKA NOO QABTA MAYA
  10. MAYA XIDIG CAD OO CALAN LAGU DHEX QORO MAYA
  11. MAY……….. MAYA……… MAY………… MAYA …….MAY…… MAYA

Akhriste adiga oo aad ugu fiirsanaya qoraalka kor ku xusan ficilka diidmada sheega ee afka Soomaaliga iyo bisha may xidhiidhka ka dhexeeyaa ma yahay mid lagu guulaystay oo midho dhalay mise laab la kac aan meeshii  lagu waday gaadhin oo aan u muuqan mid guulaystay.

Bisha may ma tahay mid qalanta buunbuunada ay ku sameeyeen bulsha ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland mise waa maalin la siiyay meeqaam ka awood badan oo aanay u qalmin.

Su’aal

Dowladda Somaliland  shacabka 25-ka sanno ficilka diidmada midnimadda ah ee MAY la soo taagnaa ma u haysaa wax lagaga maarmo midnimo mise sida mudooyinka danbe dhacda maalinba mid ka mid ah xukuumadda talada haysa iyo siyaasiyiinta qaybo ka mid ah ayaa ku shaqo tagi shaadhka midnimadda iyaga oo maalina Hargeysa MAY la soo taagan oo ku dhagan gooni goosi marna Muqdisho ka degaya iyaga oo ku dhawaaqaya Soomaali ha is raacdo iyo ma kala maaranto.

Su’aal

Dowladda Somalia ma haysaa qorshe bulshada 25-ka sanno gooni goosi ku dhawaaqaysay ay ku garowsato oo ay ku ogolaato rabitaanka ay wadato iyada oo aan dhag u dhigayn siyaasi calooshii la ciyaar ah oo aan si dhab ah u matali Karin bulshada uu magaceeda sito isla markaana aan la cadayn Karin damaca runta ah ee uu xambaarsanyahay ma marka uu Hargeysa joogo ee uu MAY midnimo leeyahay ayuu run sheegayaa mise marka uu Muqdisho yimaad ee uu HAA midnimo leeyahay…………..

W/Q: Mohamed Omer Jibriil (Moj)

Mx7lee@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com