Xog-warran: Maxaa kasoo bixi kara doorashada 2016?

Somaliya waxay u dhaqaaqday in dalkaani ay doorasho ka dhacdo oo la soo xulo dadki mathali lahaa shacabweynaha oo taladooda lagu aamini karo. Arrinta ugu weyn waa doorashada Madaxweynaha dalka oo ay u tartamayaan tiro aan yareyn oo siyaasiyiin ah…waxayse tahay su’aasho ma jiraa qof dadka baratamaya ka dhex muuqda oo mudan in talada loo dhiibo-

Waxaan nahay ummad waxa laga xishoodo aan ka xishoon, waxaan laga xishoona ka xishooda, ummad aan ka cabsan waxa laga cabsado, waxa aan laga cabsanna ka cabsada, ummad aan aqaanin midkooda wax tara oo xil lagu aamini karo. Nin waliba wuxuu isu heystaa inuu yahay midka ugu mudan, waana xikmad dhab ah hal-kudhegi ahaa ”NIN WALIBA QUMANIHIISAA QORTA UGU JIRA”  Dadka maanta haminaya inay Madaxweyne naqdaan badankoodu ma yaqaaniin howsha uu qabto Madaxweynaha iyo shuruuraha looga baahan yahay jagadaas. Baratamayaasha badankoodi ma yaqaaniin wax dhaafsiisan Madaxweyne meel loo sii wadana ma yaqaaniin.

Waxaa fiicnaan lahayd in laga qaado imtixaanka lagu cabbirayo   caqliga ( intelligence test) si loo kala saaro dadka hardamaya, waxaan hubaa in lagu kala hari lahaa oo qaar badan qanci lahaayeen markey arkaan awoodooda xagga garashada.

Waxaa jiray qoraa la dhihi jiray Arthur Schlesinger oo waxyaabo badan ka qoray madaxweynayaashi Mareykanka, wuxuuna ku sameeyay qiimeyn sidi loo kala duwanaa xagga caqliga iyo garashada. Waxaana jiray maqaal uu qoray sanadii 1980/81 uu cinwaan uga dhigay ”the era of mediocres” oo ku soo baxay majalada ”newsweek”, isagoo tilmaamay hab-dhaqanki madaxdi kala duwanaa ee soo maray Mareykanka. Wuxuu tilmaamay in John Kennedy uu ahaa waxa loo yaqaano“genius” ama cabqari sida madaxdi ka horreysay badankoodu ahaayeen. Wixii ka dambeeyay asagana ahaayeen dad iska caadi ah oo ka arradan nicmadaas oo mid uu Ilaahey dadka qaar ku manneysto..culumada qaar waxay qabaan in ninka kaliya ee cabqariga ah ee soo maray Mareykanka, soddonki sano ee la soo dhaafay, uu yahay Barak Obama inti ka horreysayna aysan lahayn garaad iyo caqli heerkaas gaarsiisan. Horey ayey culumo u saadiliyeen inuu noqon doono mid taariikhds boos fiican ka gala…waana tan dhacday.

Haddaba, annaga Somalida ma heyno una maley maayo in ay jirto cid ku fikirtay in la sameeyo dariiqad lagu qiyaasi karo garaadka dadkaan raadinaya darajooyinka iyo boosaska dalka ugu sarreeya in ay yihiin qaar garashadoodu gaarsiisan yahay heerka looga baahan yahay qofka mustaqbalka dalka iyo dadka gacantiisa ku jiraan…qof go’aanka uu gaarayo iyo waxa uu ku hadlaayo ay yihiin wax ummada u dan ah oon ku saleysneyn dano shakhsi ah iyo kuwo qabiil u gaara.  Qof garan kara tallaabada uu qaadayo inay tahay mid dalka burbur u horseedi karta ama horumar dadku mahadiyo. Badankoodu waa dad ay danahoodu kala weyn yihiin tan dadka iyo dalka.  Haddaba, sidee lagu kala reebi karaa oo nin waliba asagoo qanacsan baratanka looga saari karaa?  Haddaba, waxaa laga yaabaa in cidda la baratami karta Madaxweyne Xasan Sheikh aysan ka badneyn tiro ahaan laba ilaa seddax ruux…waa haddii runta la rabo.

Waxaa iga talo ah in la diyaariyo su’aalo la weydiinayo murashixiinta oo dhan qof qof iyagoon ismaqleyn, lana miisaamo jawaabaha ay bixiyaan intaan doorashada la gaarin. Dadbaa diyaar u ah inay soo diyaariyaan, haddii looga baahdo, su’alaha lagu kala rebi karo murashaxiinta…waxaana xigi doona is-reeb-reeb kale inta u soo gudubta murashaxnimada rasmiga ah ee jagada Madaxweynaha. Waxaa hubal ah in fikrad uu keenay qof Somali ah, si kasta ay u fiican tahay, inaysan cidna oggolaan doonin ha ahaadeen dadka go’aankoodu fulo ama aqoonyahano afkaarta wanaagsan buun-buuni kara si loo adeegsado…waana nasiib darro addunka oo dhan ka jirta in la yaso ama la yareysto fikradaha cusub oo wax weyn ka beddeli kara nolosha iyo horumarka dalka. Afkaarta cusub in la yaso ma ahan mid annaga kaliya noo gaar ah waana mid adduunka ku faafsan.

Maanta waxaa la soo gaaray xilligii dadka xun-xun ay talada qabanayeen…Filipiin waxaa madaxweyne ka ah nin la yiraahdo Rodrigo Duterte oo qof waliba caaya cidina aysan afkiisa ka nabadgelin..ka darane dibi dhal..waxaa soo socda nin la yiraahdo Donald Trump oo ka liita Duterte, lagana yaabo inuu adduunka ka dhaco dagaalkii seddaxaad hadduu ku guuleysto madaxnimada Ameerika..qaar kale oo badanna waa soo socdaan…Allaha naga qabto kuwaas iyo kuwa la midka ah.

Maanta Madaxweynayaashi gobollada ayaa shir loogu qabtay Dubai iyagoo ay ku jiraan labada gobol ee GalMudug & Puntland….waxay iso xasuusiyeen hal-ku-dheg soo baxay qarniyadi dhexe oo af-talyaniga lagu yiraahdo ( I soldati si ammazzano e gli Imperatori si abbracciano) oo micanaheedu yahay ASKARTI WAA IS-DILEYSAA BOQORADINA WAA IS-SHUMINAAYAAN..waa nasiib darro na heysata oo ay sabab u yihiin dadka ka taliya gobollada qaarkood.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com