Xog: Wasiir Goodax oo ku fashilmay dad uu rabay inuu shaqada ka ceyriyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya ayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ku celiyay liiska 8 qof oo ka tirsan Wasaaradda kuwaas uu Goodax dalbaday in shaqada dowladda oo dhan laga ruqseeyo.

Dadkaan oo qaarkood la soo shaqeeyay ugu yaraan 4 Wasiir ayaa Wasiir Goodax Barre waxa uu ku eedeeyay in ay ka hor-yimaadeen amarkiisa islamarkaana aysan u qalmin in ay sii shaqeeyaan isagoo dalbaday in shaqada laga ruqseeyo lagana joojiyo dhamaan Xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.

Dhamaan shaqsiyaadkaan waa shaqaale rasmi ah waxayna dhibaato badan ka soo mareen in ay mushaari noqdaan, waxaana ku jira kuwa ay isku heyb-yihiin Wasiirka balse uu ku tilmaamay dad aan u qalmin in ay sii shaqeeyaan.

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa Wasiirka u sheegay in qof kasta oo shaqaalaha dowladda ka tirsan uu leeyahay wadooyin badan oo dheer islamarkaana ay tahay in la soo marsiiyo qofka inta aan shaqada laga eryin.

Xeerka shaqaalaha rayidka waxa uu dhigayaa in marka 1aad qofka shaqaalaha loo digo waliba hadal loogu digo, marka 2aad loo digo iyadoo qoraal ah, marka 3aadna ganaax lacageed lagu rido iyadoo marka 4aadna uu tilmaamayo in qofka laga badalo booska oo loo wareejiyo qayb kale.

Wasiir Goodax dhamaan wadooyinkaas midna soo ma marin waana sababta keentay in dib loogu celiyo liiskii uu soo dalbaday ee shaqa ka joojinta 8 kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda.

Qof kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo dadkaan ka tirsan ayaa Caasimada Online u sheegay in Wasiirka uu yahay qof qalafsan oo dhib badan islamarkaana Cadaadis badan saaray shaqaalaha dowladda ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com