Xog: Wasiiro DF Soomaaliya ka tirsan oo arrin yaab leh billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in qaar kamid ah shaqaalaha Dowlada kuwooda ka howlgala Wasaaradaha aysan qaadan Xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada.

Shaqaalaha qaar oo aan arrintaani ka xog wareysanay ayaa inoo xaqiijiyay inaan mushaar la siin ku dhawaad Seddex Bil.

Ka sokow mushaarka waxa ay qaarkood sheegen in laga saaray Liiskii ay ku qaadanayeen Mushaarka, kadib markii sabab looga dhigay inaan loo heyn wax dhaqaale ah.

Cusmaan Abuukar oo kamid ah shaqaalaha Dowlada kuwooda ka howlgala mid kamid ah Wasaaradaha ayaa sheegay in si ula kac ah looga saaray Liiska isaga oo tilmaamay in muddo Afar bil ah aan lasiin xuquuqdii uu lahaa, kadibna lagu abaalmariyay in laga dhexsaaro Liiska shaqaalaha ay ku qaadanayeen Mushaaraadkooda.

Cusmaan waxa uu tilmaamay inaanu garaneynin sababta looga saaray Liiska balse uu yahay shaqsi aan wali ka quusan gargaarka alle.

“Ma garanaayo sababta leygaaga dhex saaray Liiska waayo waxaan dowlada la shaqeynaayay ku dhawaad lix sano wali mahelin cadaaladii aan filaayay, maxaa yeelay waxaa mushaar lasiiyaay kuwo aan Wasaarada ka shaqeyn hal bil xitaa, waxaa sidoo kale mushaar la’aan ah kuwii usoo halgamay ee xiligaani cadaalada filaayay”

“Waxaa ii muuqata in shaqada aan ku jiro ay tahay mid halis galisay nafteeyda waxaana ii dheer in maanta aan awood u laheyn inaan ka shaqeysto meelo kale waayo kuwa kasoo horjeeda dowlada ayaa ii arka inaan ahayen shaqsi iyaga dulmiyay”

Cusmaan waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan shaqaale kale oo aan wali lasiin mushaaraadkooda waxa uuna qiray inuu aaminsan yahay in kuwa aan la siin xuquuqdooda ay qaatan Wasiirada oo iminka wakhtigooda sii dhacaaya.

Docda kale, waxa uu Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirada ugu baaqay inay ka fogaadan waxa uu ugu yeeray isdabamarinta xuquuqda shaqaalaha dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com