Xog: Wasiiro hore oo reer Somaliland ah oo yimid magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar mas’uul oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, in wasiirrada hore ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan la sheegin sababta ay u socdaan.

Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda.

Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday.

Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana macquul ah in xubnaha kusoo aadaya beesha Isaaq ay wax ka doonayaan mas’uuliyiintan yimid Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com