XOG: XAAF oo ku gacan seeray dalabkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa diiday inuu aqbalo codsi kaga yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo oo ku aadanaa doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug.

Xaaf oo Muqdisho soo gaaray axaddii ayaa la kulmay Farmaajo, waxaana loo soo bandhigay laba qodob oo mid uu yahay; inuusan isku so sharaxin doorashada dhawaan la filayo inay ka dhacdo Galmudug, iyo kan labaad oo ahaa  inuu dowladda kala shaqeeyo inay dhacdo doorashadaas.

Xaaf ayaa aqbalay qodobka labaad ee ku saabsan la shaqeynta dowladda ee dhanka doorashada, hase yeeshee wuxuu ku gacan seeray kan ah, inuusan isa soo sharxin.

Sida aan xogta ku helnay, Xaaf ayaa madaxweynaha u sheegay inuusan codsigiisa ku aqbali karin kulanka, balse go’aankiisa uu waqti siin doono, islamarkaana uu si rasmi ah u shaacin doono waqti kale.

Waxaa jiro heshiis maaliyadeed oo ay horey ugu balameen dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xaaf, kaasi oo ku saabsanaa in Xaaf uu aqbalo inay doorashado dhacdo, waxaana Xaaf uu dalbaday fulinta ballan qaadkaas ka hor inta aan loo gudbin fulinta qodobka ku saabsan is-sharaxaaddiisa.

Sida ilo xog ogaal ah oo u dhow Xaaf inoo xaqiijiyeen, Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo dowladda Soomaaliya ka qaato lacagtii lagu heshiyey oo keentay inuu aqbalo doorashada Galmudug.

Lacagtaas ayaa qiyaas ahaan lagu sheegay inay tahay mid u dhaxeyso 2 illaa 3 milyan oo dollar, waxaana lacagtaas qeyb ka ah lacagihii horey looga xayiray maamulka Galmudug oo hadda loo isticmaalayo in Xaaf uu ogolaado doorasho iyo inuu magacaabo guddi doorashada oo ay raali ka tahay dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com