Xog: Xasan Sheekh oo Muqdisho ugu yeeray Sanbaloolshe & Isfahan xumi taagan (Sababta loogu yeeray?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud Magaalada Muqdisho ugu yeeray C/llahi Sanbaloolshe oo dhawaan lagu doortay magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan oo xiriir la sameeyay C/llahi Sambaloolshe oo ku sugnaa Magalaada Jowhar ayaa ka dalbaday inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in Sambaloolshe uu iminka soo gaaray Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa Sambaloolshe kala hadli doona arrimaha ololihiisa,waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Sambaloolshe uu ku biiray garabka ololaha u wada Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Sambaloolshe oo saaxiib dhow la ahaa Xasan Sheekh ayaa waxa ay ku kala tageen Siyaasada, waxa ayna taa sababtay in Sambaloolshe uu xiriir saaxiibtinimo iyo mid olole la sameeyo Cumar C/rashiid oo si ba’an kaga soo horjeeda Madaxweyne Xasan oo si KMG ah usii haya xilka.

Si kastaba ha ahaatee, Sambaloolshe oo lagu tilmaamo inuu yahay shaqsi meyl adag ayaan la saadalinkarin inuu dib usoo celin doono xiriirka Xasan Sheekh iyo inkale si uu usii daadihiyo ololaha Xasan.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com