Xog: Xasan Sheekh oo safar dibadeed xasaasi ah u baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhammaadka bishan safar ku aado dalka Itoobiya, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May. Xasan Sheekh ayaa horey u booqday dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Jabuuti, Kenya iyo Eritrea.

Wafti ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu warramay inay hadda ku sugan yihiin magaalada Addis-Ababa ayaga oo horudhac u ah safarka madaxweynaha. 

Sida aan xogta ku helnay, ujeedada safarka ayaa ah inay isku soo dhowaadaan labada dowladood oo xiriirkooda uu mugdi ku jiray tan iyo markii dib loo doortay Xasan Sheekh oo uu meesha ka baxay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay xulufo ahaayeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. 

Mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa u socday wada-hadallo qarsoodi ah oo ku aadan xoojinta xiriirka iyo diyaarinta qodobo la filayo inay isku raacaan Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed marka ay ku kulmaan Addis-Ababa.  

Xudunta xiriirka qabow ee labada dal ayaa ah walaaca ay Addis Ababa ka qabto isku soo dhowaanshaha Muqdisho iyo Qaahira.

Masar ayaa isku dayeysa inay Soomaaliya u adeegsato inay qeyb ka noqoto cadaadiska la saarayo Itoobiya oo biyo-xireen ka sameysay webiga Nile, oo halis ku ah malaayin Reer Masar oo webigaas ka hela biyaha ay isticmaalaan. 

Intii uu socday kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi ee July ka dhacay Qaahira, Masar ayaa sheegtay inay isku raaceen in la cambaareeyo buuxinta biyo-xireenka ayada oo aan heshiis lagu ahayn, taasi oo Villa Somalia ay markii dambe beenisay. 

Dhowaan, taleefishinka ETV ee dowladda Itoobiya ayaa laga sii daayey barnaamij si aad ah loogu weeraray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh. 

Barnaamijkaas ayaa waxaa markii dambe ka daba timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in barnaamijkaas uusan matalin siyaasadda dawladda Itoobiya, islamarkaana uusan waafaqsanayn xiriirka labada dal.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadda ayaa barnaamijka ku macneeyey farriin ay Addis-Ababa usoo dirtay Muqdisho, sababtoo ah taleefishinka dowladda Itoobiya kama bixi karo barnaamij aysan dowladda raali ka ahayn.