Xog: Qaar ka mid ah musharaxiinta oo Villa Somalia laga mamnuucay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka uu mamnuucay in Gudaha Madaxtooyada loo soo fasaxo tirro Musharaxiin ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha la dhigay Dhammaan irdaha laga galo Xarunta Madaxtooyada.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu xusay in Musharaxiinta laga mamnuucay xarunta lasoo deynkaro kaliya marka uu soo baxo amar lagu fasaxaayo Musharaxa, sida aan xogta ku heleyno.

Musharaxiinta uu Xasan Sheekh ka mamnuucay Madaxtooyada ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 6 Musharax oo mid kamid ah dib looga qaaday xayiraada la saaray.

Ololaha Madaxweyne Xasan ayaa u muuqda mid isku rogay caburinta Musharaxiinta loolanka Kula jira.

Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ka socda ololaha Xasan Sheekh waxaana Musharaxiinta kale looga shakiyay inay tashkiiliyaan Xildhibaanada Xasan Sheekh ee ku sugan Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com