Xog: Xasan Sheekh oo taageero ka helay beesha caalamka iyo qorshihii C/W Gaas oo u muuqda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa markaan u muuqda inuu fikirkiisa uu taageero kaga helay xubnaha beesha caalamka ee labadaan maalin ka qeyb galayay shirarka madasha wadatashiga qaran ee ka socdo magaalada Muqdisho.

Xubnaha beesha Caalamka oo xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha maamul goboleedyada iyo madaxda dowlada Soomaaliya ayaa u muuqda iney taageersan yihiin aragtida dowlada Soomaaliya ee ku saleysan doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Waxay xubnahaasi ay taageereen fikrada dowlada Soomaaliya ee ah in aqalka sare lagu soo doorto hab maamul goboleed, halka aqalka hoose lagu soo dhisayo qaabka qabiilka ee 4.5.

Ilo xog ogaal ah oo shirarka ka qeyb galay ayaa inoo xaqiijiyay iney sidoo kale beesha caalamka soo jeediyeen in muhiimada koowaad la siiyo dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa jiro soo dhawaansho ay muujinayaan xubnihii horey u diidanaa wallow aysan wali cadeyn iney fikradoodii ka laabteen.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegayaa inuu si weyn kaga soo horjeedo aragtida ay soo jeediyeen dowlada Soomaaliya iyo beesha Caalamka, waxaana uu doonayaa in labada aqal ee baarlamaanka lagu soo dhisaa hab deegaan.

Ma jiro wax natiijo ah oo ilaa iyo hadda laga soo saaray shirarka labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com