Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xabsiga dhigay Xasan Faarax

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in cabsiga la dhigo ruux sawir ka qaaday isaga oo hurda kadib markii uu booqasho ku aaday saldhiga deegaanka Balidoogle oo ciidamada dowlada ay degen yihiin.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay xabsiga dhigeen Xasan Faarax oo sawir ka qaaday Xasan Sheikh isaga oo hurdaya kadib markii uu gaari la raacay.

Xasan Sheikh ayaa sida sawirka ka muuqata wuxu ku hurday kuriga gaariga uu saarnaa, waxaana Xasan uu ka qaaday Sawirka loo yaqaan Selfie Picture, iyadoo Xasan uu kamid ahaa shaqaalaha Balidoogle.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in Xasan Faarax oo sawirkaasi soo dhigay bartiisa Facebook uu wajahay in shaqada laga eryo xabsigana loo taxaabo, iyadoo saacad kadib uu bartiisa ka saaray sawirka.

Warbaahinta ayaa siyaabo kala duwan kaga hadashay sawirka Xasan Sheikh laga qaaday isaga oo hurda, balse waxay saameysay Xasan Faarax oo shaqadiisa ku waayay sawirkaasi, iminkana la sheegayo in xabsi loo taxaabay.

Xasan Sheujh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com