Xog: Xasan Sheikh oo baahidiisa ku bedelanaya masiirka umadda

Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda in danihiisa gaarka ah uu ku bedelanaayo masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan ayaa qorsheeyay in xil ka qaadis uu ku sameeyo mas’uuliyiin farabadan ka hor inta aanu la gaarin xiliga doorashada.

Madaxweyne Xassan ayaa xilal ku safi doona mas’uuliyiin u balanqaaday inay kala shaqeyn doonaan ololihiisa, halka xilalka qaarna uu siin doono shaqsiyaad ay horboodayaan mas’uuliyiin isaga saaxiibo gaar la ah.

Xilalka soo socda ee uu magacaabi doono asbuucyada nagu soo aadan ayaa waxaa u badnaan doona shaqsiyaad miisan culus ku leh dhanka reer galbeedka kuwaasi oo noqon doona difaacayaasha Xassan si aan looga soo marin dhanka wakiilada caalamka ka jooga Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa iminka baahidiisa u sameynaaya wax waliba oo uu ku gaari lahaa, waxa uuna qorshihiisa koowaad yahay inuu helo tiirar adag, si uu mar kale ku gaaro kursiga.
Shaqsiyaadka la magacaabi doono iyo kuwa iminka la magacaabay ayaan sal ku laheyn sugida howlaha loo igmaday, balse waxa uu ujeedku yahay inay sahlaan qorshaha Xassan.

Marka la gaaro xiliyada kala guurka waxa ay madaxda Soomaalida ilaaban masiirka Umadda Soomaaliyeed waxa ayna u jiheystaan dhanka xal u helida baahiyahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com