Maxaa kusoo kordhay dagaalka ka socda Gaalkacyo?

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal qaraaran oo ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Rasaas xoogan ayaa waxaa weli laga maqlayaa Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoo labada ciidan ay wali yihiin kuwo is horfadhiya.

Rasaasta hadda la maqlaayo ayaa waxaa isu adeegsanaaya labada ciidan waxaana la sheegayaa in labada dhinac marba koox la durjinaayo.

Rasaasta ay ciidamada isku ridayaan ayaa inta badan u gudbeysa xaafadaha magaalada, waxaana weli halkaasi ka taagan cabsi xoogan.

Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la dhigay isbitaalada labada dhinac ay kala maamulaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in koox waliba ay dhaawacooda iyaga un daweysanayaan.

Khasaaraha dhimasho ayaa la sheegayaa inuu ka badan yahay Sagaal ruux, halka dhaawacuna uu kor u dhaafaayo Toban iyo labo.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax wara oo ku aadan dagaalka oo kasoo kala baxay labada dhinac, inkastoo Puntland ay si cad u diiday in warbaahinta maxaliga ay faragishtaan arrimaha dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com