Xubnaha mucaaradka oo madaxweyne Farmaajo uga hormaraya Garoowe

Garowe (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi maanta ay tagi doonaan qar kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo.

Xubnahaasi oo uu kamid yahay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo 26 Janaayo ay ka dhaceyso xafladda caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa  sidoo kale la filayaa inuu gaaro magaalada Garowe, waxaana magaalada Nairobi laga sugayaa madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed.

Xildhibaano hore oo mucaarad u badan iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa sidoo kale laga sugayaa magaalada Garowe, iyaga oo ka qeyb galaya munaasabadda caleemo saarka madaxweyne Deni.

Xubno hordhac u ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray magaalada Garowe (Team Protocol), kuwaasi oo ka shaqeynaya safarka madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Garowe.

Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa inay halkaasi khudbado ka jeediyaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka ah ee dhaliilsan siyaasadda madaxweyne Farmaajo.

Waa Fursaddii koowaad oo ay isku wada arki karaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka, waxaana madaxweyne Deni uu doonayaa inuu dhexdhexaadiyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com