Xukunka kiiska COLDOON: Garsoore ku dayasho mudan

                     “المتهم بريء حتى تثبت إدانته” 

 قال تعالى: ” إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا
وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ
إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا” [النساء:58]

Ciidamada  Booliska  Somaliland ayaa Cabdimaallik xabsiga u taxaabay bishii 8aad ee sanadkii tagey (2021) markii lagu eedeeyay inuu u ololeynayay in la xiro xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye laga maalgeliyo ee Somaliland ku yaalla.

Eedeymaha Cabdimaalik loo soo jeediyay waxaa ka mid ah:

1-. In uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur  ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo.

2- Dacaayad qaran dumisnimo ah oo uu faafiyey

3- In uu Cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo Qaranimadeeda.

4- Faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta Somaliland, IWM

Go’aankii Maxkamadda

Shalay oo ay taariikhdu aheyd 3-da bisha 2-aad 2022, Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah–acquitted , waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta  ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Maxaa laga baran karaa garsoorka Somaliland?

Maxkamadda iyo Garsooraha shalay soo saaray go’aanka lagu siidaynayo Coldoon waxay mudanyihiin ku dayasho. Garsoorka Somalia inteeda kale Waxaa laga rabaa inay wax badan kaga daydaan garsoorka Somaliland oo ay boorka iska jafaan ayna noqdaan Sharci-dabaqayaal rasmi ah (Genuine Law Appliers). Go’aanka Maxkamadda ka soo baxay shalay wuxuu isoo xasuusiye Garsoorkii Somalia ka  jiray intii u dhexaysay 1960–1969.

Garsooraha ku dhiiraday go’aankaan waxaa looga dayan karaa arimahaan soosocda:

1- Geesinimada uu ku dhiiraday inuu Sharciga kiliya u hogaansamo, uuna iska indhatiro caga-juglaynta iyo fara-gelinta Xukuumadda.

2- U hiilinta Diinta iyo Raali-gelinta Rabbi, garsoorayaashu/garsooruhu wuxuu dabaqay oo daacad u noqday Shareecada Islaamka .

3- Muujinta Madaxbannanida iyo hufnaanta Garsoorka Somaliland

4- Kor u qaadida Ku dhaqanka sharciga (rule of law)

5- Kor u qaadida Kolsoonida Shacabku ay ku qabaan Garsoorka Somaliland

6- U gudashada Amaanadii Umadda si hufan oo Ikhlaas ku dheehanyahay, iyo sidookale u cadaynta Umadda in meel loo laabto ay jirto oo cadaalad loo raadsado.

7- Muujinta Awoodda Garsoorka iyo inuu yahay laan la siman Xukuumadda iyo Baarlamaanka

Guntii iyo Gabagebadii: Soomaaliya waxay waxay u baahantahay Garsoor caadil ah oo kasbada kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed laguna barto Cadaalad, Madaxbanaani, Hufnaan, Daah-furnaan, Karti, Aqoon….

.للقاضي أربع خصائص: الاستماع بأدب ، والرد بحكمة  والتفكير بحكمة ، واتخاذ القرار بنزاهة. (سقراط)
إذا كانت لديك القوة فلدينا الحق. (فيكتور هوغو). إذا مارست العدل ، فلن تهلك حتى لو مت. (لاو تسي)

W/Q: Garyaqaan Cabdiqani Sheekh Jamac Cirguje
Cirguje4545@gmail.com  

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.