Yaa ka dambeeya AMNI darrada ka jirta Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay ka qeyb-galay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa ka hadlay xaaladda ammaanka ee caasimada.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in maalmihii lasoo dhaafay ay sii kordhayeen falal liddi ku ah amniga ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay inay soo kordheen qaraxyo joogto ah, dilal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsanayo dadka muhiimka ah.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku eedeeyey falalka amni darrada ah ee soo kordhay inay ka dambeeyaan  gacmo qarsoon oo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, isaga oo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortego falalkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aan la sugi karin amniga, haddii aysan ka qeyb qaadan shacabka oo uu ku booriyey in la shaqeeyaan ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Marka laga tego qaraxyo iyo dilalka qorsheysan waxaa maalmahaan kusoo kordhay caasimada dhac baahsan oo ay geysaneyso burcad hubeysan, walow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ay soo qabteen rag hubeysan oo dhac geysanayey.

Si kastaba dhibaatooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan lagu jiro marxalad kala guur ah oo la’aadayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.