Yaa ka danbeeyay inuu si nabad ah Riyadh uga baxo wiilka Jamaal Khashoggi?

Riyadh (Caasimda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Safar uu magaalada Riydh uga baxay curudka suxufiga silaca loo dilay Jamaal Khashoggi iyo qoyskiisa.

Qoraal lagu daabacay bogga wakaalladda Wararka ee Reuters oo lagu soo xigtay ehelo ku dhow qoyska ayaa lagu sheegay in Saalax Jamaal Khashoggi oo ah curudka Saxafigii la dilay uu ka dhoofay Sacuudiga oo u ambabaxay Maraykanka.

Qoysku waxa ay sheegen in Saalax Jamaal Khashoggi uu heysto dhalashada dalka Maraykanka, isla markaana uu muddo ahaa mid u xanibnaa Sacuudiga.

Waxaa la tilmaamay in muddo ay saarneyd xayiraad dhanka Safarka ah oo markii danbe laga qaaday.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay sabab u aheyd in Saalax Jamaal Khashoggi uu si nabada uga dhoofo Sacuudiga isaga iyo carruurtiisa.

Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu masuuliyiinta Sacuudiga u sheegay in uu doonayo in Saalax Khashoqji oo dhalasha labada dal haysta uu ku laaban karo Maraykanka isla markaasna “uu ku farxay” in loo ogolaaday in uu sidaa yeelay.

Dhinaca kale, Telefishinka Aljazeera ayaa xaqiijiyey in Saalax Jamaal Khashoggi iyo Qoyskiisa ku sugnaa Sacuudiga u ambabaxeen Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbaahinta Sacuudiga Kama hadlin safarka Qoyska Jamaal Khashoggi.

Xigasho: Reuters