Yaxye Caamir oo si cajiib ah uga hadlay xiisadda Kenya & Somalia ee badda

Muqdisho (Caasimada online) – Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim, ayaa maqaalkan kasameeyey iskudayga Kenya ay ku dooneyso boobka qayb kamid ah badda Soomaaliya iyo shirkii 7-dii Febraury lagu qbatay magaalada London oo lagu soo bandhigay xog la xiriirta  Shidaalka Soomaaliya.

Maqaalkan ayaa soo bandhigaya falanqeyn iyo sooyaal kusaabsan shirkadadaha sahanka shidaalka kasameeyey Dhulka Soomaaliya illaa sanadkii 1980, isaga oo ifinaya talana siinaya dhammaan madaxda iyo shirkadaha ku howllan shidaalka Soomaaliya.

Halkan Hoose ka Aqriso Qoraalka Proff Yaxye Caamir:

Ar Shidaalaa!!! Inteey iska qaban la’dahay?

Wada Aqri ama iska dhaaf, Dhibcaha Hoose.

Araar:

  1. ka sokoow sharciyadii shidaalka oo aan la dhameeystirin, iyo Go’aan ka gaarida Baarlamaanada.
  2. Xuriyadda somalida 1960 ka hor ayaa shidaal laga baarayay Dalka, wax badanna horaa loo sii ogaa halka shidaal ku jiro.
  3. Waqtigii Kacaanka Goobo badan ayaa Sahan ka sokoow ,la calaamadeeyay oo la ogaaday wixii ku jiray, laakin shuruudo ayaa la isku raaci waayay.
  4. Dhibaatadu ma ahan Baaritaan, sidoo kale Qof somali ah ma diidayo in shidaal loo soo saaro Somaliya.
  5. Waxaa laga shakisan yahay kalamadaha Bid & Auction oo qoraalada ku qoran macnahooda, oo la leeyahay Xaraash waaye iyo xaraash loogama jeedo.
  6. Ropert Okley oo ahaa Safiirkii USA ee dagaaladii sokeeye kadib ,ahaana xubin milkiilashaasha shirkado shidaal. Ayaa yiri: Heshiiskii aan idinla galnay 1963 waxaan sugeeyanya 30 sanno in Aagga noo xiran aan cid kale qaadan Karin, haddana 30 sanno oo kale ayaan sugi karnaa, haddii la waayo xaalad ku haboon, waana noo xirnaanayaa.( Dhagaheeyga ayaan ku maqlayay makuu sidaa lahaa Amb. Okley-1993).
  7. fiiri: African Intelligence- 2014. Wasiir Cabdirisaq Cumar oo tagay Holland shirkadda Anglo-Dutch , waa diiday in laga wada hadlo wixii ey u waceen.
  8. Shell/Exxon, ayaa tiri waxaa nala siiyay 5 Ceel shidaal oo Badda ah, sannadkii 1980 oo 50% ayaan leheyn, dagaaladii 1991 ayaa howsheenii hakiyay, welina xuquuqdeeni ma dhumin oo xaalado aan caadi aheyn, dagaal ayaa dhacy.
  9. Sannadkii 2012 Puntland ayaa heshiis la gashay African Oil Corp. in kasta oo sahankii wax lagu waayay.
  10. Adam Smith International ASI ayaa war bixin teeda ku sheegaty in aan lagu kalsoonaan Karin Som Oil qoraaladeeda oo aynan ka muuqan daah furnaan iyo la talinteeda. la talinta ( petroleum Resimes Advisor PRA ee uu leeyahay Jay Pork .
  11. Dowladii Xassan sheikh ayaa Ingriiska ka codsatay in marka hore Dowlada la siiyo taageero farsamo Technical support oo ka kooban shan qeybood: Geophysics, Engineers, Law, Accounting, iyo Interpenetrating Data , waa la diiday waxaana lagu yiri: marka hore la soo heshiiya maamul gobaleedyadiina.
  12. Iyada oo laga cararyo ENI ayaa la sameeyay Som Oil ee ma aheyn shirkad hore u jirtay.waxaana lala kaashaday Michel Howard & taajirkii Ruushka.
  13. kenya oo lacag badan ka hor marsatay shirkada shidaal oo haddii Maxkamadaha looga raayo aan iska bixin Karin lacagtaa oo ka badan 100 million.
  14. Kenya oo Shiinaha u balan qaaday Ceel Shidaal oo ku yaal meel u dhexeeysa Mogadishu iyo Baraawe, shiinahana uga bedelatay hub badan.
  15. Laba ka mid ahaa 4 shirkadood oo baddeena shidaal ka baarayay oo kala ahaa ( Stat Oil Norway hore Kenya u siiyay Block 126 iyo Anadarko USA ayaa shaqadoodii joojiyay, kadib markii Dowladahoodii iyo Safaaradahoodu u sheegeen in howshoodu ey sharci daro tahay oo fasax Kenya aan lagu shaqeyn Karin ,taasina ey sharaf daro u keenee wadamadooda. weyna ka tana suleen markii lagu yiri: Aaggaa Somaliya iyo Kenya cid leh lama hubo.
  16. Shirkadda Total oo hore Kenya u siisay Block L 22-28 ayaa iyana shakisay oo shaqadii hakisay.
  17. Shirakada Shidaal ee Kilimanjaro Capital oo uu leeyahay Zulfqar Rashid Hindi uu Jan. Iidi Amiin u eryay Canada ayaa isna loo saxiixay Amas –Qoryoley- Afgoi,4 Ceel shidaal.
  18. Som oil & Gas ayaa lagu eedeyay in kharajka ka galaya baaritaanka, oo lafteedu qaar ka mid ah ey soo deeynsatay kuna sheegaty $43 million in laga badbadiyay oo lacag saa’id ah la saaray oo ah Laba jibaar ka badan kharajkii ka galay.
  19. Jalling wierson iyo Ayca oo ah madax dhinac Dhaqaalaha iyo Sharciga kala taliso shirkadda shidaalka ee Shell ayaa Dacwo u qoray Dowlada Mareeykanka iyaga oo leh shirkadda Mareykanka ee “Liberty Petroleum Corp” ee Lenience farax uu ku siiyay Cabdi qaybdiid dhinaca badda Galmudug ,dhul badeedkaa annagaa hore naloo siiyay.
  20. Shirkadaha hore wax loogu saxiixay waxaa ka mid ah : 1-Shirkada CCECC oo Shina ah 2016 ayaa punt land u saxiixday.2- Shirkada CIOG China international Oil and Gas dowladii ku meel gaarka yaa u saxiixday. Shirkadaha kale ee heeysta saxiixa ee sugaya qeybtoodii waxaa ka mid ah : 3- General Energy oo Laba saxiix heysato. 4-DND international. 5- RAK Gas. 6-ANSAN WikFs. 7-Horn Petroleum. 8-African Energy. 9- African Oil Corp. 10- ION Geophysical Corporation.11- Kilimanjaro. 12-Petro Quest Africa.13- Som Oil. 14-BGP inc. 15-spectrum .16- A& A. 17-CONOCO. 18-Phillips.19- ENI.20- Chevron. 21- Royal Dutch Shell.22- British petroleum. Iyo kuwa kale oo heeysta Fasax hore loo siiyay, lacaguna uga baxday.
  21. kacaanku waxa uu u saxiixay 1980kii shirkadaha Bp ( Amoco, Sinclair ) Chevron( Texaco) CONOCO, ENI, Shell ,Exxon Mobile iyo 5 Shirkadood oo kale.

Maxaa laga shakisan yahay?

  1. Shirkii London 2019, Mustamiciin Al kiraam ayaan ka eheyn, Goob jooge kaliya, abaabulka , soo ban dhigida, martiqaadka cid kale ayaa leheyd, Goobta la soo bandhigayo ma ahan mid aan xukuno.
  2. Gudoomiye xigeenkii Baarlamaanka maxaa geeyay Hayad fulin ma ahan.
  3. Dowladu Balama hore ayey ka baxday, waa la kala aamin baxay.
  4. Mucaadaku waxa ey ka baqayaan in ey ku lacageeystaan madaxdan oo illaa owlaada ey Abkoowyaal u yihiin ey xukunka sii heystaan, mucaaradka laftiisu waxa uu rabaa sidaa oo kale.
  5. Spectrum waa shirkad yar oo shaki la galiyay diiwaan galinteeda iyo milkiila yaasheeda.
  6. Dib u dhacii shirkii la qaban lahaa 9 June 2018.
  7. Need assessment for Development, extractive Industry . in si public ah loo soo bandhigo waa la diiday.
  8. ENI oo ah shirkad shidaal oo Talyaani ah ayaa Xassan sheikh ku casuuntay Rome Sept 2013. Waxaana kulmay Hassan sheikh iyo Paolo Scarono , waa la isku afgarn waayay kadib markii uu Xassan Sheikh ku eedeeyay in ey Heshiis la galeen kenya kaana uuna aqoonsan doonin, kuna xad gudbeen madaxbanaanida Somaliya fasax kenyana kuma baari kartiin. Waa lagu soo kala tagay, waana loo goodiyay ,arrintaa xassan waa eeday.
  9. Shirkadda ENI ee Talyaaniga Saamiga ugu badan waxaa leh Dowlada Qadar , mar dambe ayaa looga yeeray Framaajo Talyaaniga, lama ogo in uu ogolaaday iyo in kale, waxaase la ga shakin karaa xirrirka ka dhexeeyo dowlada somalida iyo Qadar iyo dhinaca kale Qadar oo saamiga ugu badan iska leh, iyo fasax kenya bixisay mala ogolaan karaa.
  10. Waxa laga baqayaa sida wadama badan oo shidaal leh oo eyna dadkoodu ka faa’iidin in ey nagu dhacdo, sida : Nigeria ,Angola, tusaale: Geni bisaaw ( hal nin ayaa xakuma 39 sanno, wiilkiisu waa madaxweyne ku xigeen, shidaal waxaa masuul ka ah Dumaashigii, dadku waa sabool dakhligu ka hooseey 2$ maalintii iyaga oo heli kara boqolaal dollar maalintii, looma dhiso isgoolo iyo isbitaalo, Lacagta ka soo xarooto shidaalka waxaa lagu shubaa account bank oo qof leeyahay halkii tan Dalka lagu shubi lahaa, Bank oo ku yaal Washington , Dowlada Mareykanku kama hadli karto .Carabta halkii shidaal laga helaba shirkaduhu waxa ey ku hayaan kali talis xukumo, kadibna iyagaa rado.
  11. In Dacwada Maxkamada laga Noqdo, Kenyana si hoose loola heshiiyo.

Talo:

  1. In shakiga la iska dhaafo, oo si wadar & daah furnaan ah loo maamulo shidaalka.
  2. In la dajiyo sharci iyo nidaan cad, go’aankuna uuna ku koobneeyn xukuumada lana helo gudiyo madax banana oo heer deegaan iyo heer qaran ah, aqoon yahano si madax banana isku xilsaaro lana aqoonsado doorkooda.
  3. Sida Norway ama Turkiga in aan la nimaad qorshe shidaal soo saaridda, ka horna la diyaarinayo Khubaro wadani ah . sida in 500 Araday lagu barayo shidaalka howlihiisa iyo aqoontiisa ka hor heshiisyada.
  4. Dowladda waxaa u habooneyd in ey furto Dood furan ,uuna soo fadhiisto madaxweyne, Raisul wasaare, wasiir, ururo bulsho, gobalada , Mucaarad ,dadweyne. si loo shaki baxo.

Annaga kaliya isma heysano ee waa la isku keeyna heeystaa. Intaas hadaad isku geeyso maxaa kuu soo baxaya?

Wixii ka khaldan ka sax , wixii ka dhiman ku dar.

Qore: Yahya Amir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com