Yoweri Museveni oo qiil yaab leh u sameeyey inaysan ka guuleysan karin Al-Shabaab

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ka hadlay dhibaato ka haysato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya u noqon karto qaran jira.

Museveni ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, laakiin wuxuu si cad u sheegay in dalkiisa uusan awood buuxda oo dhaqaale u aheyn bixinta mushaarka ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa sidii Al-Shabaab looga adkaan lahaa, haddii ay tahay su’aashu hub, waan iibsan karnaa, dareys waan iibsan karnaa oo xitaa cunno ayaan qeybin karnaa, laakiin ma maarayn karno mushaarka,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in wax sii socon karo aysan aheyn tababarka iyo habeynta ay ciidamada dowladda ku wadaan dalalka Imaaraadka, Qatar iyo Turkiga mana uusan faahfaahin sababta uu hadalkaas u yiri.

Museveni ayaa intaas kusii daray in nabadgelyadu ay lama huraan u tahay jiritaanka qaran Soomaaliya iyadana laga rabo inay hesho wadadii ay guusha ku gaari laheyd.

Hadalkaan ayuu Museveni ku sheegay khudbad uu ka jeediyey kulankii uu magaalada Kampala kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah halkaas ku jooga.

Dowladda Uganda ayaa ah wadankii ugu horreeyey ee ciidamo ka tirsan AMISOM usoo dirtay Soomaaliya, waxaana ka joogo ciidamo badan oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee aan dhammaadka laheyn.