YUUSUF GARAAD: Dhambaal iiga yimid Dhadhaab (Sheeko aad u xiiso badan)

Jaamac, oo ah wiil dhallinyaro ah oo aan saxaafadda bulshada saaxiib ku nahay ayaa ii sheegay in dhowaan laga soo qabtay Nairobi. Dhambaalkan ayuu iiga soo diray Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab. Farriinta saaxiibkeey Jaamac waxaan jecleystay in aan la wadaago Soomaalida, ka dib markuu sidaa iga oggolaaday. Waxba kuma darin marka laga reebo higgaadda oo aan saxay. Waxna kama reebin marka laga reebo qaar aniga shakhsi ahaan igu saabsanaa. Wuxuu yiri:

Mudane waad ku mahadsan tahay dhiiri gelintaada. Masiibo Qaran ayaa dhacday laakiin waxa lagaga bixi karaa Ilaahay oo aynu dembi dhaaf weydiisano iyo cafis.

Saaxiib anigu Dawlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa ma arag laakiin nasiib darro halaag baa dhacay, aan loo kala hadhin. Laakiin ku waari mayno oo ilaahay wuxuu sheegay in cadaab iyo janno uun lagu waarayo.

Dhibka ugu weyna dhalinta Soomaaliyeed buu ku dhacay oo jeelasha caalamka ka buuxa. Tahriib iyo badahana ku dhammaaday.

dhadhaaaabAnigu Nairobi baan college caalami ah ka dhiganayay, laakiin waa la I qabtay. Garoonka Kasaraani baa la igu xidhay. Xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa lay geeyey.

Dhibkaas i gaadhayna masuuliyiinta Soomaaliada ayaan dusha u saarayaa oo ah kuwo aan waddaniyiin ahayn, kana dhammaan la’ khilaaf iyaga u dhaxeeya.

Saaxiib halkan kuma soo.koobi.karo sida uu dareenkaygu ahaa aniga iyo saaxiibbo badan 10/9/12 laakiin maanta rajadaydu ma wanagsana.

Saaxiib laakiin maxaa.hoggaamiyayaasha Soomaaliyed ugu wacan is qabqabsi, khilaaf iyo eexasho qabiil?

Danta guud iyo danta shakhsiga kee la horaysiiyaa?

Waxaa nasiib darro ah in labadii mas’uul ee.Soomaaliya ugu sarreeyey isku mashquulaan!

Iyada oo shacabkii Soomaaliyeed meel walba macaluul, abaaro iyo gaajo ku hayso. Qaarna qaxooti ku yihiin wadamo aan laga rabin, jeelasha caalamkana ay ka buuxaan.

Runtii shakhsiyaadka tirada yar ee xaalka Soomaaliya ee murugsan wax ka qaban kara ayaan aaminsanahay in aad ka mid tahay dhalinyaradana jaanis ayaad siin lahayd, waayo dhalinyaradu isbeddel dhab ah ayay keeni lahaayeen.

Been kuu sheegi maayo ee 7 dhalinyaro ah oo aan Muse Yusuf Secondry ka wada baxnay ayaa wiiggii ugu danbeeyey ku geeriyooday saxaraha Libiya iyo Suudaan.u.dhaxeeya.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo. Ilaahay xaqa ha ina tuso.

Markaa saaxiib adigaa Soomaalidii hore iyo tan maantaba joogee maxaa sabab u ah waxan iyo dhibkan mise Somalidu weligeedba waddaniyiin ma’ahayn?

Inkasta oo gacmo shisheeye jiraan.

Ilaahay quluubteena ha mideeyo.

Haddii adiga uu kuu soo qori lahaa dhambaalkan, Jaamac maxaad ugu jawaabi lahayd? Fadlan Jawaabta hoos ku reeb.

Fasax ayay u yihiin Baraha Internetku, hadday doonayaan in ay sii daabacaan qormadan oo aan wax laga beddelin.