Yuusuf Garaad oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya & Macharia Kamau

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo waxa uu ka yaqaan Macharia Kamau oo ah ninka soo cayriyey Tarsan.

Macharia Kamau waa xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, balse waxa uu horey u ahaa wakiilka Kenya ee QM, sida uu sheegay Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad, uuna rajeynayo in uu dhakhso u soo laabto “xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.”

Hoos ka aqri qoraalkiisa oo dhameystiran

Danjire Macharia Kamau oo shalay u sheegay Danjiraha Soomaaliya ee Nairobi, Maxamuud Axmed Nuur, in uu ku laabto Muqdisho, waa Danjirihii Kenya u fadhiyay xarunta Qarammada Midoobay ee New York markii aan anigu matalayay Soomaaliya.

Markii aan ku booqday Xafiiskiisa Xarunta Ergada Kenya ee Qarammada Midoobay wuxuu ii muujiyay saaxiibtinnimo, wuxuuna ii ballan qaaday in uu gacan igu siiyo howlaheyga.

Waxaa iigu dambeysay xafladdii New York ee xornimada Kenya ee 2016.

Sawirka waxaa ka muuqda Danjirayaashii Qarammada Midoobay xilligaas ku matalayay, ka billow Midig: Sweden, Soomaaliya, Ireland, Kenya iyo Mareykanka.

Waxaan ku kalsoon ahay in khilaafka labada dal uu ku dhammaan doono is afgarad. Waxaan rajeynayaa in uu dhakhso u soo laabto xiriirka derisnimo iyo iskaashi ee labada bulsho ee walaalaha ah, sinnabana aan u kala maarmin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com